Meydadka toban caruur ah oo la helay iyo sabab yaab leh oo loo dilay

Toban carruur ah ayaa lagu dilay koonfur galbeed dalka Tanzania, iyadoo meydkooda laga waayay xubnaha jirka qaarkood sida dhagaha iyo ilkaha, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.

Meydadka carruurta ayaa waxaa sidoo kale laga goostay gacmaha iyo lugaha, carruurta la laayay waxay da’doodu u dhexeysay labo iyo sagaal sanno jir.

Booliska Tanzania ayaa xabsiga dhigay qof looga shakisan yahay dilka carruurta, waana qof qaraabo la ah saddex ka mid ah carruurta la dilay.

Toban kamid ah carruurta ayaa la waayay tan iyo bishii Disembar booliska ayaana baadi goob xoogan ugu jiray tan iyo markaas.

Dadka wax sixra ee gobolka ayaa la sheegay iney jirka bani’aadanka ay u isticmaalaan sixirka iyagoo aaminsan inuu horseedayo inay yeeshaan hanti.

“Waxaa loo adeegsaday jirka carruurta qaab sixir ah” ayay tiri guddoomiyaha degmada Njombe, Ruth Msafiri oo intaas ku dartay in boolisku ay wadaan baaritaano iyo dabagal kooxihii ka dambeeyey falkan so loo soo xiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

- Advertisement -