Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Puntland iyo ciidamada Badda Midowga Yurub oo iskaashi yeelanaya

Ciidanla Booliska Puntland iyo Ciidamada Badda Midowga Yurub (EUNAVFOR), gaar ahaanna Hawlgalka ATLANTA ayaa Shir ku saabsan Amniga Badda ku yeeshay dusha sare ee markabka dagaalka ee Isbaanishka laga leeyahay ESPS Navarra (F85), calansidaha howlgalka Atalanta.

Wefdi ka socday Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo uu hoggaaminayay Gaashaanle Dhexe Sakariya Abdiraxmaan, oo uu weheliyo G/le dhexe Aadan ayaa ka qayb galay Shirkaasi oo ka dhacay Gacanka Cadmeed, gaar ahaan waqooyiga dekedda Bosaaso, waxaana lala yeeshey Rear Admiral Francisco Javier Vázquez Sanz iyo saraakiil kale oo sare oo ka tirsan EUNAVFOR, iyadoo diiradda lagu saaray caqabadaha muhiimka ah ee amniga badda. Waxaa si gaar ah looga hadlay xeeladaha lagula dagaallamo burcad-badeednimada, iyo dambiyada kale ee badda ka dhaca.

“Booqashadani waxay calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo ku aaddan dadaalladayada joogtada ah ee lagu xoojinayo amniga badda iyo iskaashiga caalamiga ,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Sakariya. Wuxuu intaas ku daray in “fahanka awoodaha ciidamada badda ee aan bahda nahay ay muhiimad weyn u leedahay xoojinta howlgaladeena amniga xeebaha iyo xaqiijinta badqabka badaheena.”

Gaashaanle Dhexe Aadan, oo ah taliyaha qaybta CID-da ee gobolka Bari, ayaa isna muujiyay qaddarinta uu u hayo iskaashiga joogtada ah ee ka dhexeeya EUNAVFOR iyo Booliska Puntland, isagoo soo dhaweeyay hor u wadidda iskaashigaan.

Rear Admiral Francisco Javier Vázquez Sanz ayaa isna muujiyey dareenkan, isagoo ku nuuxnuuxsaday in “dhisidda xiriir adag oo lala yeesho bahwadaagta Puntland ay tahay tan ugu muhiimsan”. Wuxuu xaqiijiyay sida EUNAVFOR uga go’an tahay taageeridda dadaallada  Puntland ee lagu doonayo in lagu helo amniga badda oo ballaaran.

 

Related posts

Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo goor dhow ka dhacay Muqdisho & Sarkaal..

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Rooble oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Dayniile (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

RW ku-xigeenka Somalia oo la kulmay Wasiirka Arrimaha dibeda ee Sacuudiga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---