Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cirro oo kulan muhiim ah la qaatay R/ Wasaaraha Qatar (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa kulan heer sare ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, H.E. Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay horumarinta iskaashiga iyo xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya maamulka  Somaliland iyo Dawladda Qatar

Labada dhinac waxay ka wada hadleen fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, waxbarashada, iyo maalgashiga, iyada oo ujeedadu tahay horumarinta kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha  Somaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha Qatar waxa kale oo ay ka wada hadleen Nabadda iyo Xasiloonida Gobolka iyo doorka ay Somaliland ku leedahay nabadda, amniga, iyo xasiloonida Geeska Afrika iyo marinka Badda Cas.

Madaxwaynaha  Somaliland waxa uu si cad hoosta uga xariiqay in Somaliland ay tahay jamhuuriyad madax-bannaan oo 34-kii sano ee ugu dambeeyey iskeed isku maamulaysay, oo aan ka mid ahayn sooyaalkii lagu dhisayna qayb ka ahayn Maamulka Federaalka ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxa uu carabka ku adkeeyay maqaamkeeda taariikheed, sharci iyo siyaasadeed ee Somaliland inay gebi ahaanba ka duwan tahay ta Soomaaliya, isaga oo caddeeyay sida ay Somaliland uga go’an tahay ka-qaybgal nabadeed ee arrimaha gobalka iyo xal u helida mushkiladaha Geeska Africa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Toban Wasiir oo laga cabsi qabo in ay toos ugu biiraan Khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Cabdi Cade

Wariyaal la toogtay xilli ay war tabinayeen iyo ninkii toogtay oo la qabtay

Cabdi Cade

Cadaadiska Maraykanku ku hayo DF oo sii kordhaya (Akhriso qoraal cusub)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---