Raisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo soo dhaweyn ah loogu sameeyay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Xafladan soo dhaweynta Ra’iasul Wasaare Rooble iyo Wasiiro la socday waxaa u sameeyay Siyaasiyiinta ,Odayaasha dhaqanka iyo bulshada degan degmada Dayniile, kuwaa oo Ra’isul Wasaaraha ku taageeray dadaalada nabada uu wado .
Siyaasiyiintii iyo Odayaashii ka hadlay munaasabada Ra’isul Wasaare Rooble lagu soo dhaweenayay ayaa ku bogaadiyay sida uu uga shaqeeyay xasiloonida caasimada iyo in dalku u dhaqaaqo doorasho iyada oo heshiis la yahay.
Ra’isul Wasaare Rooble oo munaasabada lagu soo dhaweenayay ka hadlay ayaa u mahad celiyay bulshada Dayniile iyo siyaasiyiinta soo dhaweesay, waxa uuna sheegay in Dayniile horumartay ayna mudan tahay maamulkeeda iyo dadka degan lagu amaano.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa adkeeyey ballan-qaadka Xukuumadda ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi socodka doorasho daah-furan oo deg deg ah, laguna kalsoonaan karo, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo danta guud, lagana fogaado dhaliilaha aan wax dhisayn, si loo sii amba-qaado qabsoomidda doorashada.