Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo hal arrin darteed ugu baaqay dadka in ay degaan dhulka xeebaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, ayaa sheegay in Wasaaraddan ay ka mid tahay kuwa ugu muhiimsan hiigsiga horumarinta dhaqaalaha dalkeenna, maadaama khayraad badan dalkeennu uu uga imaanayo dhanka badda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in mustaqbalka Soomaaliya horumarsan uu ka iman doono dhanka badda, isla markaana Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ay door muhiim ah ka qaadan doonto kobaca dhaqaalaha dalka maadaama ay hadda kadib yeelan doonto dhisme weyn oo casri ah.

“Dhaqaalaha Buluugga ah waa mid muhiim ah oo la doonayo in Soomaalidu ka faa’iideysato, waana halka ay ka bilaabmi doonto Soomaaliya barwaaqo ah oo la soo baxda wax-soo saarka badda iyo khayraadka dihan ee dhulkeeda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, waxa uu xusay in laga doonayo dadka Soomaaliyeed in ay degaan dhulka xeebaha ah, dowladduna ay ka hirgalin doonto waddooyin waaweyn oo sahlaya isticmaalka khayraadka badda iyo ka faa’ideysiga dhaqaalaha buluugga ah ee dalkeenna.

Related posts

Maamulada afar Isbitaal oo kuyaalla Muqdisho oo la xiray

Cabdi Cade

Sacuudiga oo dib u soo celiyey Markab xoolo ka qaaday dekeda Berbera (Sababta)

Caydiid Ali

Shiikh Shariif iyo C/raxmaan C/shakuur oo Fariin adag u diray Farmaajo

admin
Taboola Ads ---