Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo goor dhow ka dhacay Muqdisho & Sarkaal..

Qarax daryankiisa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa goor dhow ka dhacay Isgoyska Banaadir ee kala qeybiya degmooyinka Hodan iyo Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in qaraxan uu ahaa mid lagu xiray gaari noociisu ahaa Toyota Hilux Soomaaliduna u taqaano Qooqan oo uu leeyahay taliyaha hoggaanka Caafimaada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab).

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qaraxaas, waxaana la sheegay inuu ka badbaaday taliyaha oo uusanba la socon gaariga, balse uu ku dhintay askari ka tirsanaa ilaaladiisa halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Booliska ee ku sugan Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa muddo kooban hakiyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka markii uu qaraxu dhacay, inkastoo dib loo furay markii dambe.

Ma jirto cid sheegatay qaraxan inkastoo kuwo la mid ah oo horey uga dhacay magaalada ay sheegatay kooxdan, waxaana xusid mudan in bilihii la soo dhaafay ay aad hoos ugu dhaceen qaraxyadii ka dhici jiray Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -