Ahlu Suna oo Xildhibaano badan ku yeelaneysa Baarlamaanka cusub ee Galmudug iyo tirada oo…

Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in isfaham hoose laga gaaray qeybsiga Xildhibaanada cusub ee maamulka Galmudug .

Kooxda Ahlu Sunna ee ku biirtay maamulka Galmudug ayaa dalbatay in Xildhibaano badan laga siiyo Baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug, waxa ayna kooxdaasi dalbadeen in kala bar la siiyo Xildhibaanada Galmudug ee gaaraya 89-Xildhibaan.

Wadahadalo saacadihii lasoo dhaafay Dhuusomareeb ku yeesheen Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Madaxda Ahlu Sunna ayaa la sheegay in la isku afgartay in kooxda Ahlu Sunna Xildhibaano ku yeelato Baarlamaanka cusub.

Dowlada iyo Ahlu Sunna ayaa markii hore isku afgaran waayay tirada Xildhibaanada kooxda Ahlu Suna laga siinayo Baarlamaanka cusub ee Galmudug, waxaana dowlada Ahlu Suna u qorsheesay 15-Xildhibaan balse taasi la isku afgarn waayay.

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in is afgard iyo isku soo dhawaansho uu jiro, waxaana kooxda Ahlu suna loo ogolaaday in Baarlamaanka cusub ee Galmudug ku yeelato ilaa 30-Xildhibaan.

Heshiiska ay Dowlada iyo Ahlu Suna ka gaareen tirada Xildhibaanada ku yeelaneyso Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaan wali la shaacin, waxaana wali wadahadalo u socdaan Madaxda dowlada ee ku sugan Dhuusomareeb iyo Hogaanka Ahlu Suna.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -