Markab weyn oo xanibay isku socodkii Maraakiibta ee Kanaalka Suez (Sawirro)

Saddexdii maalmood ee ugu danbeeyey waxa xanniban marin biyoodka Suez Canal oo muhiim u ah nolosha dunida, gaar ahaan maraakiibta sida badeecadaha u kala goosha qaaradaha adduunka.

Marinkan oo uu xanibay markab weyn oo sida kumanaan tan oo badeecad ah ayaa waxaa weli socda dedaalo lagu jidka looga leexinayo.

Markabkan oo lagu magacaabo Ever Given oo ka soo shiraacday dekad ku taal Shiinaha ku sii jeeday Rotterdam, Netherlands, ayaa ku sii jeeday badda Mediterranean.

Markabkan oo ka diiwaangashan Panama, isla markaana sida xamuul dhan 200,000 tan, ayaa Talaadadii fadhiistay meel u muhiim u ah marinka Suez, waxaana hakaday isu socodka marinkaas xajmiga Ever Given awgii.

Xukuumadda Masar ayaa dib u hawgelisay marin qadiimi ah oo ku yaal Suez si ah u kala yareyso saxmadda maraakiib badan oo ku kala xaniban labada dhinac ee kanaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -