Allbanaadir.com
NEWS

Kristina Svensson oo kulan sagootin ah loogu sameeyay Muqdisho

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo masuuliyiin kale oo Dowladda ah ayaa xalayΒ  kulan sagootin iyo maamuus ah u sameeyay 𝐌𝐫𝐬. 𝐊𝐫𝐒𝐬𝐭𝐒𝐧𝐚 π’π―πžπ§π¬π¬π¨π§ oo aheyd Shantii sano ee la soo dhaafay Maamulaha Bangiga Adduunka ee xafiiska Soomaaliya (Country Manager) oo muddo xileedkeedu ku egyahay dabayaaqada bishaan.

Kristina Svensson ayaa Soomaaliya loo soo magacaabay Bishii July 2020-kii, iyada oo muddadaas shaqo wanaagsan la soo qabatay Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliya. Shaqooyinka muhiimka ah ee ay ka soo qeyb qaadatay waxaa ka mid ahaa hannaankii deyn-cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan is xog wareysi ah kadib, waxa uu guddoonsiiyay Billad sharaf iyo hadiyado ka turjumaya dhaqanka Soomaaliyeed oo ay ku mutaysatay dadaalkeedii ay uga qeyb qaadatay geeddi socodka hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka.

Kulanka ka waxaa sidoo kale goob joog ahaa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Adduunka dalalka Bariga Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Booliiska oo Muqdisho ku qabtay koox burcad ah oo dhac geesatay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka hadlay Qaraxii Jowhar Telfoona kula hadlay Cali Guudlaawe

Cabdi Cade

Taliye Saadaq John & Saraakiil kale oo la dalacsiiyey darajooyin ciidan (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---