Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka hadlay Qaraxii Jowhar Telfoona kula hadlay Cali Guudlaawe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga tacsiyeeyay guud ahaan shacabka magaalada Jowhar, gaar ahaan dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxa maanta lagu weeraray hotel magaaladaasi kuyaalla.

Ra’iisul Wasaare, Xamse ayaa telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, oo xog ka siiyay xaaladda iyo goobta qaraxu ka dhacay iyo khasaaraha ka dhashay.

Xamse Cabdi Barre ayaa u ballanqaaday Madaxweynaha Hirshabelle in uu garab taagan yahay maamulka iyo shacabka gobolka, gacanna ay ku siin doonaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay waxyeelladu soo gaartay.

Qaraxa ismiidaaminta ah ee maanta lagu weeraray hotel kuyaalla magaalada Jowhar ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah iyo masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo la kulmay Xubno ay ku jiraan Shir Gudoonka Guurtida & Wakiilada (Sawirro)

Cabdi Cade

Akhriso: Saddex dal oo la shaaciyey iney Wadajir u marti gelin doonaan Koobka K/Cagta adduunka ee 2026

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Lataliye sare u magacaabay Aqoonyahan Soomaaliya Caan ka ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---