Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo saakay laysay dad badan oo Raashin safaf dheer ugu jiray

Diyaaradaha dagaalka Israa”il, ayaa saakay duqeyn culus waxa ay ku garaaceen dhulka Falastiin gaar ahaan marinka Qasa, waxa ayna halkaasi si arxandarro ah ugu laayeen dad badan oo shacabka oo raashin gargaar safaf dheer ugu jiray.

Weerarkan Israa’iil saakay ku qaaday magaalada Qasa waxaa ku geeriyooday dad ka badan 70-qof oo u badnaa haween iyo carruur, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 100- qof oo kale oo qaarkood dhaawacyo culus qabaan, kuwaa oon heysan xarumo si fiican loogu daaweeyo.

Dadka saakay Israa’iil duqeynta ku leysay ayaa ahaa dad safaf ugu jiray sidii ay u heli lahaayeen raashin gargaar, waxaana goobta weerarka ka dhacay noqotay meel dhiig iyo hilbo daadsan yihiin, waxaana si fudud goobta loogu daadiyay dad markoodii hore gaajo iyo caafimad darro la dhibanaa.

Weerarkan saakay Israa’iil ku qaaday magaalada Qasa, ayaa imaanaya xilli xabad-joojin aan cago adag ku taagneen Madaxweyne Trump kala dhax dhigay dowladda Iran iyo Israa’iil, waxa ayna Israa’iil fursad saakay u heshay in mar kale xasuuq ka geesato Qasa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Puntland oo wada ugaarsiga firxadka kooxda Daacish (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo laga cafiyay 30 Malyan doolar oo deyn lagu lahaa (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Kenya oo dacwad u gudbineysa Golaha amaanka ee Q/Midoobay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---