Taliye Saadaq John & Saraakiil kale oo la dalacsiiyey darajooyin ciidan (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dowlada Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyey qaar ka mid ah saraakiisha amaanka gobolka Banaadir.

Munaasabad dalacsiintaas lagu shaacinayey ayaa caawa lagu qabtay xarunta Akademiyada Jen. Kaahiye (Iskoolo Buluusiyo) oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin iyo Saraakiil kala duwan ayaa ka qeyb galay, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Raisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamuud Guuleed, Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ing. Yariisow, Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jen. Bashiir Ameriko iyo xubno kale.

Saraakiisha la dalacsiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan oo Gaashaanle Sare ahaa ayaa hadda waxaa loo dalacsiiyay darajada Sareeye Guuto.

Waxaa sidoo darajooyin kala duwan la dalacsiiyey qaar ka mid ah Saraakiisha iyo taliyeyaasha Booliska saldhigyada gobolka Banaadir.

Raisul Wasaare ku-xigeenka iyo Masuuliyiintii kale ee ka hadashay munaasabada ayaa u hambalyeeyey saraakiisha la dalacsiiyey oo ay sheegeen iney ku muteysteen dedaalkooda ku aadan sida ay wax uga qabteen amaanka caasimada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -