Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku shaaciyay bartiisa Truth Social in Iiraan iyo Israa’iil ay ku heshiiyeen xabbad-joojin buuxda
Xabad joojinta ayaa billaaban doonta 6 saacadood gudahood, marka labada dhinac ay dhammeeyaan howlgalladooda ugu dambeeya.
Ka shaqeynta Xabbad-joojintu waxay socon doontaa 12 saacadood, ka dibna dagaalka waxaa si rasmi ah loogu aqoonsan doonaa inuu dhammaaday.
Trump wuxuu intaas ku daray in dagaalkan loogu yeerayo:”Dagaalkii 12-ka maalmood (The 12 Day War).”
Xiligan oo saacada geeska afrika tahay 1:23am duqeymo xoogan ayaa ku socda magaalooyinka Israel taasoo ay geysaneyso Iran oo ka aargudaneysa duqeymo caawa fiidkii Israel ka geysatay magaalada Tehran wax yar ka dib weerarkii Iran ku qaaday Qatar iyo Ciraaq.
Xabad joojinta ayaa la filayaa iney dhaqan gasho waaberiga Talaadada beri ah illaa barqanimada sidala la qiyaasayo