Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Booliiska oo Muqdisho ku qabtay koox burcad ah oo dhac geesatay (Sawirro)

Ciidanka booliiska qeybta gobolka Banaadir, gaar ahaan saldhigga degmada Hiliwaa ayaa saakay gacanta ku dhigay koox burcad hubeysay oo watay mooto bajaaj , kuwaa oo dhac u geesanayay dad shacab ah.

Booliiska oo helay xogta kooxda burcada ah ee dadka shacabka ah dhaca u geestay ayaa si deg deg ah ugu guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan burcadaasi iyo qaar kamid ah telfoonadii ay dhaceen.

War kasoo baxay taliska bpoliiska Soomaaliya ayaana lagu sheegay in ay lasoo xireen qaar kamid ah dadkii dhaca loo geestay, waxa ayna intaa ku dareen in booliiska falkaasi jawaab deg deg ah ka bixiyeen soona qabteen kooxdii burcada ahaa.

Saldhigga booliiska degmada Hiliwaa ayaana lau soo bandhigay raggii burcada ahaa , mootadii ay wateen iyo sidoo kale biskooladihii ay dadka ku dhacayeen, waxaa sidoo kale saldhigga tagay dadkii ay burcadan dhaceen qaarkood.

Booliiska gobolka Banaadir ayaana marar badan gacanta ku dhigay kooxo burcad hubeysan oo qaarkood askar yihiin , waxaana xusid mudan in burcada la xiro qaarkood maalmo kaddib lasoo daayo dibna u bilaabaan dhibaateynta shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Daahir Geelle: “Arrin aan labo sano ka hor ka diiday Farmaajo ayuu Wasiir Dubbe aqbalay”

Caydiid Ali

Ciidamada Macawisley oo toogasho ku dilay Bashiir Ciidle Barre oo ka mid ahaa..

Caydiid Ali

Ninkii toogashada ka geystay gobolka Colorado oo Maxkamad la soo taagay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---