Saraakiil iyo ciidamo katirsanaa Ilaalada Madaxtooyada oo Muqdisho ka baxsaday

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in saraakiil iyo ciidamo katirsan ilaalada madaxtooyada Soomaaliya kuna lug lahaa afgambigii fashilmay ee ka dhan ahaa Ra’isul Wasaare Rooble ay ka baxsadeen Muqdisho.

Saraakiil iyo ciidamada katirsan ilaalada madaxtooyada ayaa wararku sheegayaan in magaalada Muqdisho diyaarad ka raaceen una baxsadeen dhinaca gobolka Gedo gaar ahaan magaalada Garbahaarey.

Sida aan xogta ku helnay saraakiisha iyo ciidamada baxsaday ayaa hormuud u ahaa ciidamadii la wareegay xafiiska Ra’isul Wasaaraha iyo sidoo kale guriga Ra’isul Wasaaraha kahor inta aan laga wareejin.

Guddi wasiiro ah uu u magacaabay Rooble baarista afgambigii fashilmay ee ka dhan ahaa ayaa wareysiyo la yeeshay saraakiil iyo ciidamo katirsan ilaalada Madaxtooyada, waxaana xubnahan loo sheegay in ay baxsadeen xubnihii hormuudka u ahaa afgambiga.

Baarista afgembiga la doonayay in xilka looga tuuro Ra’isul Wasaare Rooble ayaa hada maraya heer gebo gebo ah, waxaana la filayaa in guddiga baarista ay soo saaraan natiijada baarista lana qaado talaabooyin ka dhan ah xubnihii ku lugta la ahaa.

Qorshaha afgambiga fashilmay ayaa yimid saacado kadib markii Madaxweyne Farmaajo shaaciyay in uu shaqada ka joojiyay Ra’isul Wasaare Rooble, waxaana amarka ciidamada la wareegay xafiiska Ra’isul Wasaaraha la tuhmayaa in ay ka timid xafiiska Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -