Meydadka Shabaabkii Weeraray Nairobi oo loo qaaday Mareykanka iyo sababta keentay

Hay’adda Dembi-baarista dalka  Maraykanka ee loo yaqaan FBI- ayaa magaalada Nairobi ka qaaday meydadka lix dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab oo bishii hore weerar xoogan ku qaaday Hoelka DusitD2 ee magaalada Nairobi.

Sargaal katirsan Booliiska dalka Kenya oo magaciisa qariyay ayaa Wargeyska The Nairobian u sheegay in dalka Mareykanka loo qaaday meydadka shan dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab iyo haraaga hilbaha ninkii is qarxiyay.

Sida uu qoray Wargeyska The Nairobian Saraakiisha FBI-da dalka Mareykanka ayaa codsaday in baaritaano dheeraad ah ay ku soo sameeyaan meydadka raga weerarka fuliyay oon wali si fiican loo wada aqoonsan.

Sarkaal ka tirsan booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in sababta ay Hay’adda FBI-da u qaateen maydadkaasi  ay tahay si ay baaritaano Teknoolajiyadeeda sarreeyso ee dhinaca DNA-da ku soo sameeyaan maydadkaasi.

Baarayaal ka socday dalka Mareykanka iyo dalal kale ayaa dowlada Kenya gacan ka siinayay weerarkii Al Shabaab ku qaaday magaalada Nairobi gaar ahana dhismaha DusitD2 oo lagu dilay dad ka badan 20-qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -