Allbanaadir.com
NEWS

Weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay Tel Aviv

Qof rayid ah ayaa ku dhaawacmay weerar toorey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Tel Aviv ee dalka Israel, sida ay sheegeen booliiska magaaladaas.

Sida laga soo xigtay booliisku, baaritaan horudhac ah ayaa muujinaya in qof ku hubeysan mindi uu soo galay maqaayad wuxuuna tooriyeeyay qof rayid ah, kaasoo si xun u dhaawacmay.

Qof rayid ah oo hubaysan oo goobta ka dhawaa ayaa toogtay oo dhaawacay ninka weerarka soo qaaday, sida ay booliisku sheegeen inkastoo aan la faahfaahin waxa uu ahaa iyo halka uu ka yimid.

Itai Atias, oo ah afhayeenka adeegga degdegga ah ee Israa’iil Magen David Adom (MDA), ayaa sheegay in qofka la dhawacay oo da’diisu ay ahayd 20-sano ay mindidu ka haleeshay qeybta sare ee jirkiisa, isaga oo intaa ku daray in la seexiyay qeybta daryeelka degdegga ah (ICU).

Dhinaca kale, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil iyo militariga ayaa sheegay in heshiiska xabbad joojinta iyo sii deynta la haystayaasha ee Gaza uu dhaqan geli doono 8:30 subaxnimo (1:30am ET) ee beri subax oo Axad ah.

“IDF waxay isku diyaarinaysaa inay qaabilaan la haystayaasha ka dib markii laga sii daayo afduubkii Xamaas waxayna u shaqaynaysaa inay bixiso taageero jireed iyo mid maskaxeed oo ku haboon, iyada oo si taxadar leh loo eegayo faahfaahin kasta,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Ciidamada Difaaca Israel (IDF).

Related posts

Soomaali xabsi 19 sano ah ku muteystay arrimo la xiriira Jaceyl iyo Maseyr

Caydiid Ali

Jubbaland iyo Qaramada Midoobay oo kawada hadlay Masiirka kuraasta taala Garbahaarey

Cabdi Cade

Xarakada Al-Shabaab oo lagu eedeeyey iney shaqaale Samafal afduubteen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---