Waxaa la ogaaday, in sababta loo weeraray Iran aysan ahayn Nuclear-ka. In Maraykanku ku biiro dagaalka lagu hayo Iran, waxay dhaawacaysaa danaha Maraykanka iyo amniga Caalamka intaba. Netanyahu, hadal uu jeediyey wuxuu ku sheegay, in Nuclear-ka Iran uu khatar ku yahay America ee uusan khatar ku ahayn Israa’iil. Waa dabin uu u dhigayo Maraykanka.
Israa’iil waxa ay ka samaynayso Falastiin oo tacaddi ah waxay ka jeedisaa USA. In Maamulka Iran meesha laga saaro, asal ahaan waxaa markii hore miiska soo saaray Netanyahu, laakiin Trump baa dhawaan ku dhawaaqay. Dabinnada Israa’iil way kala duwan yihiin.
Dagaalka kahor, Sirdoonka Maraykanku wuxuu sheegay, in Iran aysan samaysanaynin hubka wax gumaada. Iran-na waxay la shaqaynaysay Maraykanka si ay u tusto Maraykanka kalsooni.
Maraykanka iyo xulufadiisa waxay mar kale qarka u saarnaayeen, inay heshiis nuclear ku saabsan la gaaraan Iran. Ma ahayn, inay Israa’iil billawdo dagaal.
Haddii uu hadda Maraykanku soo galo dagaalka oo Iran loo isticmaalo bambooyinka culayskoodu yahay 30,000 pound oo lagu dumiyo xarunta Fordow, Maraykanka iyo Iran ma yeelan doonaan wadahadal dambe. Iran-na hubkeeda meelo kale ayey ku qarsatay. Maxaa la faa’iiday markaas kaddib?
Trump cadaadis baa ka haysta gudaha Maraykanka. Taa oo ah inuu xal diplomacy ku dhammeeyo arrinta Iran. Meel uu ka maro ma leh, haddii uusan luminayn kalsoonida shacabka iyo Congress siiyeen. Madaxda Iran oo talada laga qaado oo loo cuskado eedaymmo been ah oo ay Israa’iil keentay, waxay uun la mid tahay eedayntii uu Bush cuskaday markii uu duullaanka ku qaadayey Ciraaq.
Been bay noqotay oo Saddaam Hussein ma lahayn Nuclear. Waxaa beenta ku dhintay ama ku dhaawacmay kumannaan ciidammada Maraykanka ah. Waxaana samaysmay ISIS qabsatay inta badan dhulalka Syria iyo Ciraaq.
Tusaale kale, ayaa ah markii Muammar Gaddafi uu billaabay inuu hubkiisa soo wareejiyo oo heshiis lala gaaray, ayaa lagu eedeeyey inuu taageero argagixisada caalamiga ah. Waxaana lagu qaaday duullaan. Maanta Libya kama jiraan dawlad deggan oo waxtar leh. Liiska ku dar Iran oo Maraykanku 1953 ka sameeyey inqilaab uu ku soo baxay Shah Reza Pahlavi. Markii dambe, ayaa Shaaha la inqilaabay 1979.
Inqilaabkaa oo dhalay Madaxda maanta ka talisa Iran. Maanta shacabka Iran waxay raacsan yihiin dawladdooda, iyaga oo diiddan Israa’iil. Maraykanka oo ka qaybgala dagaalka Iran lagu hayo, waxaa khatar gali kara 40,000 ciidammada Maraykanka ah oo kala jooga Bariga-dhexe. Dagaalku wuu sii ballaaran karaa haddii uu Maraykanku ku lug-yeesho xiisaddan.
Maraykanka oo lagu soo jiido dagaalka Iran, waxaa la soo dhawayn doonaa dawrka China, Russia iyo dalal kale. Dalalka Khaliijka mooyee, inta badan dalalka dunidu waxay kalsoonidii kala laaban doonaan Maraykanka. Maamulka Trump arrimahaa weeye sababta uu uga cagajiidayo inuu ku dhaco dabinka ay Israa’iil u dhigtay.