Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo xasuuq cusub ka geysatay Marinka Gaza (Sawirro)

Duqeymaha Israa’iil ayaa lagu dilay ugu yaraan 62 qof guud ahaan Qaza 24kii saac ee la soo dhaafay, shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay, iyadoo rajada xabbad joojinta la sheegay inay soo hagaagayso.

Saddex carruur ah iyo waalidkood ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday xero teendho ah oo ku taal Muwasi oo u dhow magaalada koonfurta ku taal ee Khan Younis. Waxaa la garaacay iyaga oo hurda, sida ay qaraabadu sheegeen.

“Maxay carruurtan sameeyeen, waa maxay khaladkooda?” Ayeey tiri carruurta ayeeyada, Suad Abu Teima, iyadoo qaar kale ay u jilba joogsadeen si ay u dhunkadaan wejigooda oo dhiig ka daadanayey.

Sidoo kale dadka dhintay waxaa ka mid ah 12 qof oo ku sugnaa meel u dhow garoonka kubadda cagta Falastiin ee magaalada Gaza, kaasoo hoy u ahaa dad barakacayaal ah, iyo siddeed kale oo ku jiray guryo dabaqyo ah, sida ay sheegeen shaqaalaha isbitaalka Shifa. In ka badan 20 meyd ah ayaa la geeyay isbitaalka Naasir, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Weerar duhurnimadii maanta ah ayaa 11 qof ku dilay waddo ku taal bariga magaalada Gaza, waxaana meydkooda la dhigay isbitaalka Al-Ahli. Weerar lagu qaaday isku imaatin ka dhacay afaafka xerada qaxootiga Bureij ee bartamaha Gaza ayaa waxaa ku dhintay labo kale, sida uu sheegay isbitaalka Al-Cowda.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in todobaadka soo socda uu dhici karo heshiis xabad joojin ah.

Sarkaal wax ka og xaaladda ayaa wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegay in wasiirka istaraatijiyadda ee Israa’iil Ron Dermer uu Washington iman doono toddobaadka soo socda si uu ugala hadlo xabbad joojinta Gaza, Iran iyo arrimo kale. Sargaalkan ayaa ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Wadahadallada aan tooska ahayn ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa mar kale furmay, tan iyo markii Israa’iil ay jabisay xabbad joojintii ugu dambeysay bishii Maarso, iyadoo sii wadda ololaheeda millatari ee Gaza iyo sii wadida dhibaatada bini’aadantinimo ee xun ee dhulka. Ilaa 50 la haystayaal ayaa weli ku sugan Qaza, in ka yar kala bar ayaa la rumaysan yahay inay weli nool yihiin. Waxay ka mid ahaayeen 251 lahaysteyaal ah oo la qafaashay markii Xamaas ay weerartay Israa’iil Oct. 7, 2023, taasoo dhalisay dagaalka 21-ka bilood ah.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 56,000 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka gaza, Waxa ay sheegtay in in ka badan kala bar dadka dhintay ay ahaayeen haween iyo carruur. Waxay sheegtay in dadka dhintay ay ku jiraan 6,089 la dilay tan iyo markii ay dhammaatay xabbad joojintii ugu dambeysay kumanaan kale ayaa la aaminsan yahay meydadkooda iney ku hoos jiraan burburka daaraha.

Related posts

Fadeexad ku soo baxday Garsoorayaal & Mas’uuliyiin ka tirsan xiriirka K/Cagta Afrika (CAF)

Caydiid Ali

Dowladaha Sudan iyo Itoobiya oo soo afjaray murankii biyo xireenka webiga Nile (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciyaartoy ka mid ahaa kuwa Premier League oo ku dhintay shil dayuuradeed (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---