Allbanaadir.com
NEWS

Soomaalida kunool magaalooyin kuyaala dalka Uganda oo Digniin adag loo diray

Dalka Uganda ayaa waxaa ka dhacay banaan baxyo rabshado watay oo dhigayeen dad taageersan siyaasiga Bobi Wine oo u sharaxan xilka Madaxweynaha Uganda si weyna uga soo horjeeda Madaxweyne Yuweri Musaveni.

Dibad baxyo rabshado wata oo sababay geerida sadex qof iyo dhaawaca dad ka badan 30-qof ayaa ka dhacay magaalada Kampala kadib markii ciidamada booliiska xabsiga dhigeen siyaasiga mucaaradka ee Bobi Wine.

Safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Uganda ayaana uga digtay muwaadiniinta Soomaaliyeed in guryahooda kasoo baxaan inta ay socdaan banaan baxayada iyo rabshada ka socda magaalooyin kuyaala dalka Uganda.

“Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda waxa ay mudaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Kampala, Jinja, Iganga, Mbale, Masaka Gulu and Arua ugu baaqaysaa in ay ka fogaadaan meelaha rabshaduhu ka socdaan, kuna sugnaadaan guryahooda inta xaalka ka dagayo oo mudaharaadyada rabshadaha wataa ka dhamaanayaan.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Safaarada Soomaaliya ee Uganda.

Banaan baxyada rabshadaha watay ee maanta ee bilaabeen taageerayaasha siyaasiga dhuunta u galay Madaxweynaha dalka Uganda ayaa laga cabsi qabaa in ay sii faafaan kana dhashaan isku dhacyo khasaaro badan dhaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad ku amartay Trump inuu bixiyo dammaanad lacageed oo dhan $454 million

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo qoraal xasaasi ah u soo diray Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Arrin muhiim ah kala hadlay Robert Piper (Sawirro)

Cabdi Cade