Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Mareykanka oo Ciidamo badan geenaysa Boqortooyada Sacuudiga

Dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo badan geeneyso Boqortooyada Sacuudiga, kadib weerarkii khasaaraha badan uu kasoo gaaray wax soo saarka saliida Sacuudiga ee isbuucii hore lagu qaaday labo warshadood.

Xoghayaha Difaaca dalka Mareykanka Mark Esper oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada la geenayo Sacuudiga ay yihiin ciidamo difaac ah looguna tala galay in ay ka hortagaan weerarada.

Ciidamadan Mareykanka ee Sacuudiga la geenayo ayaa diiradda saaraya sidii ay u xoojin lahaayeen difaaca hawada ee dhanka gantaalaha, Maraykanku wuxuu dardar gelin doonaa in uu geeyo qalab militari oo kahor taga weerarada cirka.

Dowlada Mareykanka ayaana ugu tala gashay in Ciidankan Sacuudiga ka taageeraan kahor taga weeraro lamid ah kii Isbuucii hore lagu qaaday xarumaha shidaalka oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegagatay masuuliyada weerarkaasi ka dhacay Sacuudiga, hasa ahaatee Dowlada Mareykanka iyo Xukuumada Riyaad ayaa weerarkaasi ku tuhmaya dowlada Iiraan oo taageerta kooxda Xuutiyiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxda dowlad goboleedyada oo Shir ku yeelanaya Garowe & Qodobada looga hadlayo

Caydiid Ali

Shaki ka dhashay shirka uu iclaamiyey Farmaajo & Deni oo mar kale sheegay..

admin

Al Shabaab oo sheegtay in qaar kamid ah ragii xalay Weerarka ka geestay Muqdisho nool yihiin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---