Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Madaxweyne Al Haji Ali Hassan Mwinyi oo geeriyooday & Wasiir Soomaali ah oo..

Wasiirka Warfaafinta, Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa isagoo ka wakiil ah Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu Jasiiradda Zanzibar eeĀ  Jamhuuriyadda Tanzania uga qeybgaley munaasabadda aaska iyo tacsida Madaxweynihii 2aad ee Tanzania Allah u naxariisto Al Haji Ali Hassan Mwinyi.

Hogaamiyaha ayaa geeriyooday maalintii Khamiista oo taariikhdu ay ku beegneyd 29 February.

Wasiirka ayaa Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan iyo shacabka Tanzania la wadaagey tacsi uu ka siday Madaxweyne Xaaan Sheekh Maxamuud.

Allah ha u naxariisto Al Haji Ali Hassan Mwinyi waxaa uu Tanzania Madaxweyne ka ahaa intii u dhexeysay 1985 ilaa 1995kii.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Dowlad Carbeed oo ka shaqeesay in Heshiis Xabad Joojin ah gaaraan Falastiin iyo Israa’iil

Cabdi Cade

Maxaa ka soo baxay wadahadal Ruushka & Ukraine ku yeesheen Turkiga? (Sawirro)

Caydiid Ali

Maraykanka oo qirtay duqeyntii lagu dilay dhaqaatiirtii Cuba ee Al Shabaab u afduubnaa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---