Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo kusii jeeda Adis Ababa kana hadlay ujeedka Safarkiisa

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar u ah magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, safarkaas oo noqonaya kii ugu horreeyya uu dalkaasi ku tago tan iyo markii khilaaf soo kala dhax galay labada dal.

Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Safar ku tagayo Addis Ababa, halkaas uu ay ka dhacayaan shirar kala duwan, sida shirka Midowga Afrika,shirka urur gobolleedka IGad iyo shirka Dallada Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dhammaan shirarkan muhiim u yihiin Soomaaliya, halkaana uu ka jeedin doono fariinta dowladda Soomaaliya ee ku wajahan damaca gurracan ee Itoobiya ku hayso madax-banaanida dhulleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Safarka uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tagayo magaalada Adis Ababa ayaa kusoo aadaya xilli uu khilaaf meel xun gaaray soo kala dhax galay dowladaha Muqdisho iyo Adis Ababa, kaddib heshiiskii Abiy la gaaray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(War-Murtiyeed) DF iyo afar dowlad goboleed oo ku heshiiyey qeybsiga deeqaha caalamka

Caydiid Ali

Ciidamada dowlada oo howl gal hub lagu soo qabtay ka fuliyay guriga Cabdirashiid Janan

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu horkacayo oo galabta gaaray Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---