Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aqalka sare oo War kulul ka soo saaray khilaafka loo maaro waayey ee Madaxda Galmudug

War murtiyeed kasoo baxay guddiga joogtada ee aqalka sare ee dalka Soomaaliya ayay ugu baaqeen mas’uuliyiinta maamulka Galmudug inay ka shaqeeyaan midnimada ha’yadaha dastuuriga isla markaasna soo celiyaan wadashaqaynta hay’adahaasi.

Guddiga aqalka sare ayaa sheegay inaysan marnaba aqbali Karin inay sii socdaan waxay ugu yeereen dhaq-dhaqaaqyada lagu burburinayo hoggaanka ha’yadaha dastuuriga ee Galmudug.

Xubnaha guddigan waxay sidoo kale sheegeen inay garwadeen ka yihiin dadaallo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku khilaafsan siyaasadda maamulka Galmudug.

Waxay ugu dambeyn, ugu baaqeen shacabka Galmudug inay ka qayb noqdaan dadaallada xal u raadinta khilaafka ka dhex taagan maamulka Galmudug.

Madaxda Galmudug ayaa u kala jabay labo garab oo kala fadhiya Dhuusamareeb iyo Cadaado ka dib khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay, kaasoo gaaray heer labada dhinac mid walba uu kan kale ku sameeyo xilka qaadis laab la kac ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa baajiyey shirkii wada tashiga ahaa ee uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo?

Caydiid Ali

Maxaa ka soo kordhay shirka Golaha wadatashiga Qaranka uga socda Muqdisho?

Caydiid Ali

RW Abiy Ahmed oo maanta gaaray Magaalada Khartuum (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---