Dowladaha Talyaaniga iyo Masar oo kawada hadlay Dilkii loo geestay Giulio Regeni

Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Saciid Xuseen Khaliil Alsisi waxa uu xalay Qasriga Madaxtooyada ee Al-Itixaadiyah kula kulmay Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga, Antonio Tajani.

Kulankaasi waxaa looga hadlay qoddobo ku xiriirsan iskaashiga labada waddan ee dhinacyada ganacsiga, beeraha, amaanka, maalgashiga, amaanka Tamarta, gaar ahaan goobaha gaaska dabiiciga, istaraatijiyada wada-shaqaynta Masar iyo shirkadda Talyaaniga ee ENI ee hawlaha baarista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ka wada Masar.

Labada dhinac waxay kaloo Kulankaasi kaga arrinsadeen Is-dhaafsiga aragtiyaha labada dhinac ee ay ka walaacsan yihiin ee xiisadaha mandiqada iyo caalamka, la-dagaalanka tahriibka, kooxaha loogu yeero argagixisada iyo fikradaha xagjirka.

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga, Antonio Tajani waxa uu kulankii uu la qaatay Madaxweyne Alsisi ku soo bandhigay kiiska dilka arday Talyaani oo lagu magacaabi jirey Giulio Regeni, kaasi oo lagu dilay magaalladda Qaahira bishii January ee sannadkii 2016-kii.

Wasiir Antonio Tajani waxa uu Madaxweynaha Masar ka codsaday inay labada dowladood iska kaashadaan sidii looga gun gaari lahaa xaqiiqda Kiiskaasi, loona heli lahaa caddaalad.

Dilka Ardaygaasi waxa uu labada dal ka dhex abuuray xiisad diplomasiyadeed, inkastoo aysan arrintaasi Talyaaniga ka hor istaagin sannadkii hore ansixinta in Masar laga iibiyo 2 Maraakiibta dagaalka oo qiimahooda Guud gaarayo lacag dhan 1.2 Billion oo Dollar.

Guddi barlamaanka Talyaaniga u saareen Kiiska dilkii Giulio Regeni waxay ku eedeeyey ciiddanka amaanka Masar inay ka dambeeyeen afduub, Jir-dil iyo dil Ardaygaasi loogu geystay magaalada Qaahira sannadkii 2016-kii.

Giulio Regeni waxa uu ahaa Arday ka soo qalin jebiyey Jaamacadda Cambridge University ee dalka Britain, waxaana raqdiisa iyo ruuxiisa lagu waayey Caasimadda dalka Masar ee Qaahira bishii January ee sanadkii 2016-kii.

WT Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -