Magaalooyinka Israel oo lagu cararay & Wararkii u dambeeyey weerarka Iran

Saraakiisha Israa’iil ayaa dadka sheegaya inaysan argagixin oo ay taxaddaraan maadaama Iran ay boqolal diyaaradood oo aan duuliye lahayn u dirtay Israa’iil sidoo kalena ku weerartay gantaalada Blastiga ah.

Iskuulada, jaamacadaha iyo xerooyinka ayaa xiran Israa’iil, waxaana la mamnuucay in dad badan ay goob isugu yimaadaan.

“Qof walba oo halkan jooga waxaa lagu boorrinayaa inay isha ku hayaan wararka, telefoonadooda oo ay u fiirsadaan waxa loo sheegayo inay sameeyaan,” ayay ka soo warantay Tel Aviv.

Golaha wasiirada dagaalka ee Israel ayaa hadda ka socda xarunta ciidamada difaaca ee Israel oo ku taal xerada ciidamada Kirya ee magaalada Tel Aviv, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Israel.

“Dhammaanteen waxaan u baahanahay inaan ilaalino midnimadeena dad ahaan iyo dal ahaanba anagoo ka hortagayna caqabadaha waaweyn ee aan wajahayno, kaliya wadajir ayaan ku guuleysan doonaa,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Katz.

Israa’iil waxay sidoo kale sheegtay iney xirtay hawadeeda laga bilaabo 12:30 caawa waqtiga maxalliga ah.

“Iyadoo la raacayo awaamiirta nidaamka amniga, laga bilaabo 00:30 habeenimo caawa, hawada dawladda Israa’iil waa la xirayaa duullimaadyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay, Wasaaradda gaadiidka ee Israa’iil

“Waan sii wadi doonnaa inaan cusbooneysiinno hadba sida ay wax u socdaan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa xaqiijisay in duqeymo aargoosi ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones ay ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaalla Israa’iil.

Sida laga soo xigtay TV-ga Press TV ee Iran, Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah  “waxay bilaabeen duqeymo aad u ballaaran oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn  ee ka dhanka ah bartilmaameedyada dhulalka la haysto,” oo ah erey Iran u adeegsato si ay u qeexdo Israa’iil.

- Advertisement -