Cabdi-Kariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax (Shalay iyo Maanta)

Cabdi-Kariim Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax), Geesiga Soomaaliyeed ee xorriyad- iyo xaq-u-dirirka ahaa ee taliska Madaxwyane  Farmaajo uu horey ugu gacan-geliyey taliskii jabay ee jabhadda TPLF ee Itoobiya, ayaa goor dhoweyd ka degay magaalada Jigjiga ee Soomaali Galbeed.

Waxaa halkaas isugu soo baxay shacabka Soomaaliyeed ee gobolkaas ku nool oo aan u kala harin soo dhoweynta walaalkood, halyeyga loo gacan geliyey cadowga, ee Ilaahey uu ka soo saaray.

Waxay ahayd taariikhda Soomaaliyeed, markii ugu horreysay, ee nin sheeganaya haybadda iyo sharafta Qarannimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, uu muwaadin Soomaaliyeed u dhiibo cadow ajnabi ah.

Waxaa taas sameeyey oo keliya, oo ay taariikhdu weligeed xusi doontaa Farmaajo, oo ku sifoobay qaa’inul waddan ka been sheegay dhaartii uu u dhaartay inuu dadka iyo dalka difaaco cadowga dibadda, isagoo waliba ahaa ninkii doorashada ku galay wadaninimo macmal ah (fake nationalism), kaddib markuu howlgeliyey wadani beenaaleyaal aan dan ka lahayn dadkooda iyo dalkooda.

Dhab ahaantii, ma jiro illaa iyo haddeer, taariikhda dowladnimada Soomaaliya, Madaxweyne Soomaaliyeed oo sidaas oo kale sameeyey qiyaano qaran oo taas la mid ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuu awoodi karay inuu Qalbi-Dhagax u dhiibo TPLF; Madaxweyne Shariif wuu awoodi karay inuu Xasan Daahir u dhiibo TPLF; Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf wuu awoodi karay inuu Sheekh Shariif u dhiibo TPLF; Madaxweyne Cabdiqaasim wuu awoodi karay in maalintii aan u geeyey Fahad Yaasiin uu igala wareego, una dhiibo TPLF, maadaama uu Fahad ka tirsanaa xagjiriintii Al-Itixaad.

Laakiin, xaashaa lillaaah, Madaxweynayaal mas’uuliyaddu waxay gasho iyo waxay guddo kala garanaya ayay ahaayeen.

Dhaxalka uu Soomaaliya uga tegi doono Farmaajo waa facsharka kala soo gudboonaaday dhiibistii Qalbi-Dhagax, oo markii la soo daayey uu damcay inuu been qaawan ku yiraahdo ‘annagaa ka codsannay Itoobiya inay soo deyso’.

Haddaba, haddii aad dib ka dalbaneyso, maxaad shalay ugu dhiibtay? Oo maxay adigaa kuugu soo gacan gelin waayeen haddii aad ka codsatay inay sii daayaan? ‘Annagaa dalbannay sii deyntiisu’ waxay noqotay wax xitaa carruurtii ay aqbali waayeen, iskaba daa dad waaweyne.

Maxamed Xaaji Ingiriis

Farmaajo cid kasta oo la yiraahdo ‘soo dhiib’ waa dhiibayaa, si uu u ilaashado kursigiisa. Xitaa haddii aniga la ii soo diro, wuxuu isku dayayaa inuu been ii sheego, si uu iigu dhiibo cadowga.

Waxaan Farmaajo hawada u sii marinayaa gabaygii qiimaha badnaa ee uu tiriyey Abwaankii weynaa ee Cabdullaahi Macallin ‘Dhoodaan:-

  • Markuu caga-gubeysnaa ninkaan jaamaha u geliyey, isaguna kabtaydii gubaan, gacalkey moodaayey.

 

  • Markuu geed koraayaba ninkaan badhi-gantaalaayey, isna laanta ila goynayaan, gacalkey moodaayey.

 

  • Gabadhuu jeclaadiyo, ninkaan gaaridaw mehershay, isna teydii iga guursadaan, gacalkey moodaayey.

 

  • Guri aan firaashiyo ninkaan gogol macaan seexshay, isna dhaxanta igu guuliyaan, gacalkey moodaayey.

 

  • Gurgurshaaga kii aan u rareen, gabanada u saaray, isna keygii soo gowracaan, gacalkey moodaayey.

 

  • Gacantii maroodiga, ninkaan galab ka sii daayey, isna gaws libaax igu ridaan, gacalkey moodaayey.

 

  • Markii laga gol roonaa, ninkii aan u garbaynaayey, isna shalay gollida ii dabraan, gacalkey moodaayey

 

  • Ninkaan xoolihiisii gudhnaa, godol ku soo taagay, isaguna Hashaydii gujaan, gacalkey moodaayey.

 

  • Galooftii madhnayd iyo, ninkaan gorof u aabeeyey, isna gaawahaygii jabshaan, gacalkey moodaayey.

 

  • Ninkaan cidhibta qodaxda uga gurayeen, gunnada siiyey, isna waranka ila gaadayaan, gacalkey moodaayey.

 

  • Ninkii aan galoolada ka jaray, een gegidana u xaadhay, isna gocondhi ii buulayaan, gacalkey moodaayey.

 

  • Garabgal iyo taageer, ninkay Goobba iga keentay, isna ganafka igu duugayaan, gacalkey moodaayey.

 

  • War gaaska iyo guutadu, markay gabagabaynaysay, ninkaan Geela uga reebay, een gaade ka ilaashay, isna gulufka igu weeraraan, gacalkay moodaayey.

 

  • Markii laga gol roonaa, ninkii aan u garbaynaayey, ama gurro iyo ninkii aan guhaad goor walba u diiday, isaguna i guulguulayaan, gacalkey moodaayey.

 

  • Ninkaan buurta guradeeda dheer anigu gaadhsiiyey, ee gunteeda iga sheemayaan, gacalkey moodaayey.

 

  • Hadba gooshigeedee, markuu libin ku geeraaray, ninkaa igu garwaanlaystay baan, gacalkey moodaayey.
    Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Allbanaadir Online. Allbanaadir Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah.

    Kusoo dir qoraaladaada iyo Fikirkaada Saliimka ah  Allbanaadir@live.com  Mahadsanid…

    Waxaa qoray:
    Maxamed Xaaji (Ingiriis)
    London-Uk
    ingiriis@yahoo.com

- Advertisement -