Dad badan oo lagu dilay Weerar lagu qaaday Goob ciyaar lagu daawanayay

Weerar ismiidaamin ah oo ay fuliyeen dad waxyaabaha qarxa jirkooda kusoo xiray ayaa lagu qaaday hool lagu daawanayay ciyaar kubada cagta ah oo kuyaala xaafadda Konduga oo 25km u jirta magaalada Maiduguri ee dalka Nageria.

Sadex ruux oo waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo la rumeesan yahay in ay katirsan yihiin kooxda Boka Haram ayaa isku qarxiyay hoolka ciyaarta lagu daawanayay ayna ku sugnaayeen taageerayaal badan.

Inta la xaqiijiyay 30-qof oo kamid ahaa dadkii goobtaasi ku sugnaa ayaa ku dhintay qaraxyada ismiidaaminta ah , waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 40-qof oo qaarkood xaalad halis ah ku jiraan.

Booliiska magaalada Maiduguri ee gobolka Borno ayaa sheegay in labo qof oo qaraxyo isku soo xiray gudaha galeen halka midka sadexaad oo gudaha laga celiyay uu isna banaaka hoolka isku qarxiyay.

Kooxda Boka Haram ayaa qaraxyo ismiidaamin ah ka fulisa qeybo kamid ah dalka Nageria gaar ahaan Waqooi bari dalkaasi ay ku badan yihiin dadka Muslimiinta ah, waxaana weerarada Boka Haram ay galaafatay nolosha dad badan oo Naageeriyaan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -