(Daawo Sawirro) Qalbi-dhagax oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Jigjiga

C/kariin Muuse Qalbi-dhagax oo ka mid ah saraakiisha jabhada ONLF ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta degaanka Soomaalida.

Qalbi-dhagax ayaa waxaa halkaas loogu soo dhoweeyey si aan caadi aheyn waxaana garoonka dayuuradaha kaga hor tagay, kana soo gelbiyey madax ka tirsan ONLF iyo boqolaal shacab ah oo watay gaadiid fara badan, iyadoo jawiga Jigjiga uu maanta ahaa mid ka bedelan sidii hore.

Dadka soo dhoweeyey Qalbi-dhagax ayaa huwanaa calanka ONLF, waxayna qaadayeen suugaan kala duwan oo soo dhoweyn ah.

Markii Qalbi-dhagax uu gaaray gudaha magaalada Jigjiga ayaa waxaa uu la kulmay gudoomiyaha Jabhada ONLF iyo masuuliyiin kale.

C/kariin Muuse Qalbi-dhagax ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Jigjiga ka mahad celiyey sida diiran ee halkaas loogu soo dhoweeyey.

Qalbi dhagax ayaa dhowr bilood kaga laga sii daayey xabsi ku yaalla dalka Itoobiya oo uu sanad ka badan ku xirnaa ka dib markii dowlada Somalia ay gacan gelisay, waxaana talaabada ay qaaday dowlada federaalka si weyn uga carooday shacabka Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -