Gudoomiyaha Aqalka sare oo booqday dekeda Kismaayo & degaanka Goobweyn (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo xubnaha ka socday Aqalka Sare oo uu hogaaminayay gudoomiyaha Aqalka Cabdi Xaashi ayaa maanta booqday Dekeda weyn ee Magaalada Kismaayo iyagoo indha indheeyay qaybaha kala duwan ee Dekeda gaar ahaan qaybta ay Doomaha ku soo xirtaan halkaas oo shaqo ay ka socotay.

Waxaa kale oo Wafdigu ay booqasho ku tageen degaanka Goobweyn halkaas oo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam uu qado sharaf ugu sameeyay wafdigan kasocday Aqalka Sare ee Soomaaliya kuwaasoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay booqasho ku joogay Kismaayo.

Aqalka Sare ee Soomaaliya oo leh awood dastuuri ah iyo matalaad buuxda oo Dowladaha xubnaha ka ah Jamhuuriyada Federaalka ah ayaa wada dadaalo xal lagaga gaarayo khilaafka u dhexeeya Dowlad Goboleedyada dalka iyo Xukuumada Federaalka ah kaas oo in mudo ah soo jiitamayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -