Allbanaadir.com
NEWS

Ra’issul Wasaare Xamse oo arrimo muhiim ah kala hadlay Madaxweynaha Jabuuti (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta aqalka Madaxtooyada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa kulankooda waxa ay kaga wada hadleen arrimo badan oo ay ugu muhiimsanaayeen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya laba waddan ee walaalaha ah.

Xamse Barre ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti sida ay isaga iyo shacabkiisu mar walba u garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda ayna door muhiim ah uga qaadanayaan nabadda iyo horumarka dalka.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Jabuuti ayaa horey ula kulmay Ra’isul Wasaaraha dalka Jabuuti uu kala hadlay isna xoojinta xiriirka labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Salaad Janaaso ah ka qeyb galay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladaha Somalia & Qatar oo kala saxiixday heshiisyo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaalyahano ka tirsan Al shabaab oo isku soo dhiibay dowlada Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---