Caabuqa Faafa ee CoronaVirus oo Xiisad Cusub Dhexdhigay Quwadaha Adduunka!

Jimcihii March 13, 2020 caabuqa faafa ee CoronaVirus waxaa laga wada helay dalalka Itoobiya, Kenya iyo Sudan. Dhammaan dadka lagu sheegay cudurkaas waxay socdaal uga yimideen dalalka Mareykanka, Japan iyo Imaaraadka. Walow, cudurka uu December 2019 ka bilawday magaaladda Wuhan ee dalka Shiinaha, haddana ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay inuu ku faafay 125 wadan oo ay 19 ka mid ah yihiin Afrikan.

Qaaradda Yurub waxay maanta u muuqataa inay tahay xuddunta COVID-19 maadaama dadka cudurka ku cusub ee dunida ay u badan yihiin kuwo ka tegay Yurub. Guud ahaa dunida, tirada dhimashada CoronaVirus waxaa lagu qiyaasayaa inay ka badan tahay 5000 qof, inkastoo uu ku dhacay dad kor u dhaafay ilaa iyo 150 kun.

Zhao Lijian oo ah diblomaasi Shiina ah ayaa shaki dhaliyay, kaddib markii uu Twitter ku qoray, in October 2019 Mareykanka laga yaabo inuu keenay caabuqa Wuhan oo ka tirsan gobolka Hubei, ee dalka Shiinaha (Global Times – 12/03/2020). Walow aan la xaqiijin karin halka caabuqa “COVID-19,” uu ka dhashay.

Madaxa hay’adda “Centers for Disease Control and Prevention – CDC.” Robert Redfield oo Arbacadii March 11, 2020 u jawaabaya Xildhibaan Harley Rouda oo ka tirsan Guddiga La-socodka iyo Dibuhabeynta Dowladda ee Aqalka Mareykanka ayaa yiri, “kiisaska qaarkood oo loo maleeyay inay u dhinteen hargab (influenza) ay dhici karto in si khaldan loo fahmay (misdiagnosed) oo ay ahaayeen caabuqa CoronaVirus” (CNN News – 12/03/2020). Warkaas waxuu baraha bushadda ka abuuray doodo kulul.

Dhinaca kale, diblomaasiga Shiinaha  oo aan ka fiirsan hadalkiisa ayaa isna sii kordhiyay xiisaha u dhexeya Mareykanka iyo Shiinaha. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa maalintii Jimcaha gaarsiisay Safiirka Shiinaha u fadhiya Washington, ashtako ka dhan ah hadalka ka soo yeeray Beijing ee soo jeedinayay in militariga Maraykanka laga yaabo inuu u keenay “CoronaVirus”ka Wuhan (Reuters 13/03/2020).

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka oo magaciisa qariyay ayaa yiri, “Faafinta fikradaha  mu’aamaraadka aaminsan waa qatar iyo ceeb. Waxaan rabnaa inaan dowladda [Shiinaha] ogaysiinno uma dulqaadan doonno wax aan u wanaagsanayn dadka Shiinaha iyo adduunka” (Reuters – 13/03/2020).

Caabuqa “CoronaVirus” khalkhal ayuu ku riday suuqyada caalamka, waxaana jira dareen cabsi iyo argaggax leh, maadaama awoodda baaritaannadiisa ay dunida imtixaan ku yihiin. Wuxuu hakiyay wax soo saarka warshadaha, waxaa la joojiyay iskuullada, iyadoo la tirtiray duullimaadyadii shirkado fara badan, dibna loo dhigaya munaasabadaha kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa diimaha (sida cimrada, salaadda jimcaha iyo kuwa jameecadaha iwm), isboortiga, masraxyada iyo siinamooyinka, si dad badan aysan iskugu neefsan.

Shiinaha waxaa lagu dhaleeceeyaa in markii hore ay isku dayeen inay afka qabtaan qayladhaanka dhakhaatiirtooda. Halka, Mareykanka lagu dhaleeceeynayo jahwareeray jawaabta Trump, iyo ayadoo laga yaabo inuu dhaqaalaha hoos u dhaco faafitaanka sii kordhaya ee COVID-19. Si kastaba ha ahaate, heerka dhimashada hargabku waxaa lagu qiyaasaa inuu yahay 0.1 boqolkiiba, halka caabuqa CoronaVirus lagu sheegayo inuu toban jeer ka badan yahay.

Dunida waxay taxaddar ka tahay dalalka Shiinaha, Kuuriyada Koofureed, Taiwan, Iran iyo Talyaaniga. Wasaaradda Caafimaadka DFS waxay sheegtay in ilaa hadda 4 qof ay karantiishay, walow maamul-goboleedyadu ay u madaxbannaan yihiin caafimaadkood, haddana waxay ka gaabisay inay dhisto guddi qaran, si loo wadaago macluumaadka inta aafada aysan na soo gaarin.

Waxaa muuqata in cudurka COVID-19 uu hay’adaha caafimaad dunida kediyay, welina aysan diyaar u ahayn maareyntiisa ka duwan karantiil iyo xayiraadaha. Ilaa hadda daawo looma helin, waxaana la filayaa inay muddo aan la aqoon ay qaadan doonto si la helo “talaal la tijaabiyay” ama dawo.

Tan iyo hadda cudurka wuxuu si xun u saameeyay waddamo aad u hormaray oo awood dhaqaale, shabakado caafimaad iyo shaqaale taya leh qaba, balse wuxuu masiiba Alle noqon doonaa kolka uu ku faafo dalalka ay awood dhan kasta leh ka maqan tahay, sida kuwa Afrika ooy Soomaaliya ku jirto.

Dawladaha hore muwaddiniintooda waa kuwa garwaaqsan kana sugaaya dawladahooda tabaabusho hufan iyo awaamir la xiriirta habka ay u dhaqmi lahaayaan. Balse, muwaaddiniinta dawladaha saboolka ah oo badanaaba kaalmo aan ka  helin dawlado iyagaba liita oo hammigoodana uusan ahayn daryeelka shacabka, awooddooda dhaqaalena ay liidato, talo iyo awaamir dhaqan kama maqlaayaan xukuumadahooda.

Haddaba, waxaan dadka u rajaynaynaa inuusan cudurkan ku faafin aaggooda inta ka horrayso helitaanka daawadiisa ama tallaalkiisa.

W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -