Guddoonka Labada Aqal oo u Mahadceliyay Guddigii doorashada Madaxweynaha (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa kulan la yeeshay xubno kamid ahaa guddigii doorashooyinka madaxweynaha JFS.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa ugu mahad celiyay guddiga doorashada Madaxweynaha sidii ay u hirgaliyeen jadwalkii doorashada Isla markaana u maamuleen doorashadii madaxweynaha.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo qaadatay saacado aad u badan ayaa guddiga doorashada lagu ammaanay sida ay u maamuleen, waxaana doorashadaasi ku tartamayay in ka badan 30-musharax ay ku jireen Madaxweynayaal hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo baxay doorashadii la qabtay 15-ka may, waxaana doorashadan la isla gaaray ilaa wareeg saddexaad oo ahaa kii uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh oo guul weyn ka gaaray Farmaajo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -