Taliyaha ciidanka booliiska oo kormeeray goob ay beri Doorasho ka dhaceyso (Sawirro)

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin oo ay wehliyaan xubno katirsan guddiga KMG ee dhameestirka doorashooyinka kuraasta bannaan ayaa kormeeray halka lagu qabanayo doorashada kursiga GSH086.

Jeneraal Sulub iyo xubnaha la socday ayaa indha indheyn ku sameeyay goobta doorashada ka dhaceyso iyo sida ciidamada booliisla u xaqiijinayaan ammaanka hoolka doorashada.

Doorashadan kursigan oo laga soo wareejiyay magaalada Baladweyne ayaa beri oo sabti ah lagu wadaa in Muqdisho ka dhacdo, waxaana doorashada kursigan oo xiran ku tartamaya labo musharax oo midkood malxiis yahay.

Kursigan doorashadiisa ka dhaceyso beri Muqdisho ayaa horey loogu diiday Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo horey ugu guuleestay, waxaana doorashada kursigan loo xiray musharax ay wadato Villa Soomaaliya.

- Advertisement -