Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdigiisa oo wali ku sugan Magaaladda Moscow ee dalka Ruushka, waxay maanta booqdeen Matxafka Dhexe ee Dagaalkii labaad ee adduunka 1941–1945 ee ku yaal Moscow, Caasimadda Dowladda Federaalka Ruushka.
Intii Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ay ku guda jireen booqashada ay ku tageen Matxafka waxa si diiran ugu soo dhaweeyey maamulka Matxafka.
Waxay booqdeen qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay haday noqoto agabyada qadiimiga ah ee wakhtigaas lagu dagaalami jiray iyo jaantus si fiican u muujinaya burburkii dagaalka.
Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxa si kooban loogu sharaxay taariikhda uu leeyahay Matxafkaas, Waxaana yaalla qalabkii dagaal ee lagu dagaalamayay xiligaas, iyo xusuuso kala duwan oo muujinaya Waxyaabihii dhacay dagaalkii labaad ee Adduunka ee lagu jabiyay Naaziyiintii.