Dowlad Afrikaan ah oo diiday deeq lacageed oo gaareysa $1.7 Bilyan oo dollar

Jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Congo ayaa qaadacday shir samafal ah oo qaramada midoobay ay ugu qaban lahayd magaalada Geneva, shirkaas oo lagu doonayey in dalkaas loogu aruuriyo lacag gaaraysa $1.7 Bilyan.

Qaramada midoobay ayaa sheegaysa in dad ka badan 13 milyan oo reer Koongo ah ay u baahan yihiin gargaar bini aadanimo, ayadoo qaramada midoobay ay xaaladda dalkaas ku tilmaantay xalad bini-aadanimo oo ba’an.

Hase ahaatee dawladda DRC Koongo ayaa sheegaysa in qaramada midoobay ay arrinta buunbuuninayso oo ay u yeelayso baaxad ka balaaran dhibaatada dhabta ah ee dalkaas ka jirta.

Hay’adaha samafalka ayaa sheegaya in dad gaaraya 4.5 milyan ay si khasab ah guryahoodii uga carareen sababo la xiriira rabshado, macluul iyo xasilooni darro. Tobonaan kun oo ah qaxooti Congo u dhashayna ay ka tallaabeen soohdinta dalka Uganda.

Jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Koongo ayaa hodon ku ah macdanta iyo khayraad kale, balse waxaa saamayn xun ku yeeshay isku dhacyo hubaysan, musuqmaasuq iyo xiisado siyaasadeed.

Qaramada midoobay oo arrintaas ka jawaabaysa ayaa ku dhawaaqday in dhibaatada biniaadanimo ee dalkaas kajirta ay marayso heerka saddexaad, kaas oo ah heerka ugu sarreeya xaaladda dagdaga ah.

“Tani waxay ka sarraysaa xaaladda ka taagan dalalka Yemen iyo Suuriya marka la eego tirada dadka baahida daran qaba” ayuu yiri Jan Egeland oo ahaa madaxii hore ee xafiiska xaaladaha bini-aadanimo ee dagdaga ah, kaasoo hadda madax ka ah hay’adda Norwegian Refugee Council.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -