Allbanaadir.com
NEWS

Sacuudiga oo nidaamka Difaaca ee kahor tagga weerarada dhigtay Makka

Dawladda Sacuudiga, ayaa markii u horreysay nidaamyada difaaca ee ka hortagga weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn dhigtay magaalada bakarakaysan ee Makka iyo goobaha ay ku badanyihiin xujayda sannadkan gudanaysa acmaasha xajka.

tallaabadan Sacuudiga qaaday ayaa lagu sheegay in ay tahay mid laga hortagayo nooc kasta oo khatar amni oo ay la kulmi karto magaalooyinka barakaysan oo ay ku suganyihiin malaayiin muslimiin ka timid daafaha dunidda, kuwaa oo gudanaya acmaasha Xajka.

Waxaa kaloo lagu soo kordhiyay amniga Makka, in ka badan 15 kun oo ah kaamirooyinka amniga, oo leh nidaamyada caqliga macmalka ah ee AI, kuwaa oo awood u leh inay fallanqeeyaan xaaladda dadka ku sugan goobaha cibaadada oo tilmaam ka bixin kara ,haddii goobtaa uu ku suganyahay qof iskudayaya inuu ku dhaqaaqo falal amni darro, intaa oo kaliya ma aha basaska qaada xujayda ayaa sidoo kale lagu xiray nidaamka AI oo ka qeybqaadanaya la socodka amnigooda.

Waxay u muuqataa warbixinno sirdoon in lagu dhisay hannaankan lagu sugayo amniga magaalada barakaysan ee Makka, taa oo la macno ah khatarta inaysan meelna ka maqnayn oo loo baahanyahay habab ka hortag ah.

Iman Jamac

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo lagu eedeeyey inuu dagaalka Ukraine u adeegsaday hub kiimiko ah

Caydiid Ali

Mareykanka oo malaayiin Dollar dul dhigay Macallin Ayman oo ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Munaasabad Xil wareejin ah oo caawa ka socota Xarunta Maamulka gobolka Banaadir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---