Allbanaadir.com
NEWS

Donalad Trump oo amar ku bixiyay in Baaritaan lagu sameeyo Joe Biden

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa amar rasmi ah ku bixiyay in baaritaano qoto dheer lagu sameeyo saxiixyada Madaxweynihii ka horreeyay Joe Biden, kaddib shaki uu ka qaaday saxiixyada Madaxweynihii hore sameyn jiray.

Donald Trump , ayaa ku eedeyay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe BidenĀ  inuu saxiixyada u adeegsaday robot-ka awoodda u leh in la baro saxiixa qof , si uu shaqadaa u qabto una adeegsado Madaxweynaha saxiixyadiisa.

Madaxweyne Trump wuxuu sheegay waraaqaha ka soo baxa xafiiska Joe Biden , inuusan gacan ku saxiixi jirin oo uusan lahayn awooddaa saxiixyada , taa beddelkeedana uu adeegsaday robot-ka, waxa uuna amray in arrintan baaritaan lagu sameeyo.

Amarkan uu bixiyay Madaxweyne Trump ee ku aadan in la baaro saxiixyada Joe Biden, ayaa hadal heyn badan ka abuuray gudaha Mareykanka, waxaana arrintan dhaleeceeyay siyaasiyiin katirsan xisbiga Dimuquraadiga oo ku tilmaamay arrin laga xumaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Musharraxii tartanka adag la galay Madaxweyne Musaveni oo gaaray Hargeysa (Sawirro)

Caydiid Ali

Mustaf Dhuxulow oo codsi muhiim ah u jeediyay dowladda Turkiga

Cabdi Cade

Warbixin ku saabsan howlaha Benadir Blood Service (Adeega Dhiiga ee G/Banaadir)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---