Puntland oo caddaysay mowqifkeeda Shirkii uu iclaamiyay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh kaasoo la filayo in la qabto 15-ka bishan Juun.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in marka hore la fuliyo shuruud adag, taasoo ah in Villa Somalia ka laabato wax ka beddelkii ay ku samaysay dastuurkii dalka, isla markaan dib u soo celiso dastuurkii heshiiska lagu ahaa.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo saaka warbaahinta kula hadlay Garoowe salaaddii Ciidda kaddib ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka laabto dhammaan isbedelladii uu ku sameeyay dastuurka dalka, ka hor inta aan laga wada-hadlin qabsoomidda Shirka uu iclaamiyay.
“Waxaan jeclaan lahaa in ay dowladdu xaqiiqada u soo degto mudda-xileedkeedii dhammaad buu ku jiraa si doorasho la isku raacsan yahay looga wada-hadlo haka tanaasulo dastuurkii uh beddelay hana u soo noqdo dastuurkii heshiiska lagu ahaa in doorashada lagu galo” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir.
Wasiir Caydiid oo ka falceliyay warqaddii Casumaadda Shirka ee ka soo baxday Villa Somalia ayaa warqaddaasi ku tilmaamay mid” isku dhex karis ah oo aan la aqoon cidda lagu casumay iyo cidda ka maqan”, waxaana uu saluugmo ka muujiyay hab-dhigaalka warqaddaasi.