Allbanaadir.com
NEWS

Rag qaraxyo waday oo lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)

Ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay xubno ka tirsan Al shabaab oo watay waxyaabo qarxa.

Ragga la qabtay ayaa ka koobnaa afar nin ayaa la sheegay iney wateen miinooyin loogu talo galay in qaraxyo lagu fuliyo sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay NISA.

“Ciidanka Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal ay magaalada Muqdisho ka fuliyeen waxay ku qabteen afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo waday miinooyin ay qorsheeyeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka.

NISA ayaa  baahisay sawirada xubnaha iyo miinooyinka lagu qabtay inkastoo aysan bixin faahfaahin intaas ka badan.

Ciidamada DF ayaa xoojiyey amniga magaalada Muqdisho tan iyo markii habeenimadii Jimcaha weerar qaraxyo iyo  mid toos ah lagu qaaday xeebta Liido, waxaana ku dhintay weerarkaas dad ku dhow 40 halka ay ku dhaawacmeen qiyaastii  shacab ka badan 200 oo qof.

Related posts

Akhriso Magacyada iyo Qabiilada: 11-ka Senator ee maanta lagu doortay magaalada Garawe

Cabdi Cade

Dowlad dalkeeda u oggolaatay in ay soo galaan Soomaalida kasoo qaxeysa Sudan

Cabdi Cade

Qarax kale oo maanta Muqdisho ka dhacay iyo Xildhibaan ku dhaawacmay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---