Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Somaliland oo ka hadashay Sababta Itoobiya u bedeshay Wakiilkii u joogay Hargeysa

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay warar soo baxayay oo sheegayay in mudooyinkii ugu dambeeyay uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay dowlada Itoobiya kadib isbadaladii dalkaasi ka curtay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay in uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Itoobiya, waxa uuna xusay in xiriirka labada dhinac in wali uu hagaagsan yahay.

Waxa uu sheegay Wasiirka in dacaayadaha la faafinayo aysan waxbo ka jirin, waxa uuna tilmaamay safiirkii Itoobiya u fadhiyay Somaliland  ee la bedelay in uu qeyb ka ahaa safiiro badan ee Itoobiya ka bedeshay 60-dal.

“Xiriirka Itoobiya & anaga naga dhaxeeya waa mid ku dhisan danaha la iska leeyahay, dal waliba dantiisa sida uu ku gaadhi lahaa wuu garanayaa, xiriirka wuu wanaagsan yahay dacaayado laga sameeyay ayaa jiray arrintaasi waana been, Safiirkii u joogay Somaliland oo la bedelay ayaa jirtay wuxuun ka mid ahaa lixdan safiir oo dalal badan Itoobiya ay ka soo bedeshay, taasi ayaana keentay dad badan inay u fasirtaan xiriirka inuu xumaaday.” Ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Dowlada uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed ayaa wax badan ka bedeshay siyaasada dowladii kahoreesay kula macaamili jirtay maamulada Soomaaliya ka jira, waxa ayna dowlada Abiy xiriir toos ah la yeelatay dowlada federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

IGAD oo war cusub ka soo saartay xadgudubka Itoobiya

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo fariin adag u diray Dowladaha Turkiga, Qatar iyo Itoobiya

Cabdi Cade

Muuse Biixi” Dowladda Soomaaliya sidii Kenya iyo Guinea car xiriirka ha u jaraan Mareykanka ”

Cabdi Cade
Taboola Ads ---