Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo ka hadlay dacwadii ka timid Shiikh Shariif

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa xaqiijiyey in Xisbiga Himilo Qaran uu u soo gudbiyey Dacwad ka dhan ah Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan heyada duulista hawada.

Baashe oo la hadlay VOA ayaa sheegay iney u gudbiyeen dacwada Hay’adda duulista iyo Saadaasha Hawada oo laga dacwoonayey, isla markaana dhawaan la baabi doono dhageysigeeda.

“Sharciga Garsoorka dalka waxaa uu qabaa haddii dacwad la soo gudbiyo inay u gudbiyaan cida laga dacwoonayay markii ay ka soo jawaabaana dacwada la guda galo” ayuu yiri

Waxaa uu xusay in maalmaha soo socda ay bilaaban doonto dhegeysiga dacwadda ka dhanka ah Hay’adda duulista iyo saadaasha Hawada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay in dacwadan ay tahay mid sharciga waafaqsan, isla markaana wax faragelin ah aysan kaga imaan madaxda dowlada iyo heyadaha fulinta dalka, kana iman Karin.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa Maxkamadda Sare waxaa uu u gudbiyey 6-dii bishii Oktober ee sanadkan dacwad ka dhan ah waaxda duulista iyo saadaasha hawada, kadib markii Garoonka Aadan-cadde loo diiday inuu ka duulo Hoggaamiyaha Xisbiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Kismaayo ku sii jeeday inkastoo maalmo ka dib la fasaxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -