Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Maaliyada Itoobiya oo dhambaal soo gaarsiiyey Madaxweyne Farmaajo (Sawirro)

Madaxweynaha JFS ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Axmed Shide oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho

Wasiirka ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey dhambaal hambalyo iyo salaan ah uu uga siday Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Dr. Abiy Axmed sida ay baahiyeen masuuliyiinta warfaafinta u qaabilsan Madaxtooyada Somalia

Madaxweyne Farmaajo ayaa u xaqiijiyay Wasiirka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’antahay nabadgalyada, xasilloonida iyo horumarka dhaqaale ee guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin farriinta Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya u soo diray madaxweyne Farmaajo oo imaaneysa xilli ay Itoobiya ku jirto xaalad adag kadib afgembigii dhicisoobay ee maamulka Amxaaradda iyo dilkii Taliyaha ciidamada Itoobiya iyo madaxweynaha Gobolka Amxaaradda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo ku abaal-dhacay wasiir katirsanaa maamulkiisa

Cabdi Cade

Xulka Qaranka Somalia oo guul taariikhi ah ka soo hoyey tartanka CECAFA (Sawirro)

Caydiid Ali

Dhaqtar Hindi ah oo howlo Caafimaad ka fulinaya isbitaalka Kalkaal

Cabdi Cade
Taboola Ads ---