Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Shariif oo kulan xasaasi ah Muqdisho kula yeeshay Alper Aktas

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed haddana ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha dalka, ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay safiirka dowladda Turkiga u jooga Soomaaliya Danjire Alper Aktas.

Sheekh Shariif, ayaa safiirka Turkiga kala hadlay arrimo dhowr ah ay kamid yihiin xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo taageerada dowladda Turkiga ay siiso dadka Soomaaliyeed, waxa uu sidoo kale kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka siyaasadeed ee xilligan dal;ka ka taagan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, ayaa Danjire Alper Aktas la wadaagay walaaca ay ka qabaan doorashada boobka ah ay rabto Villa Soomaaliya in ay dalka ka qabato, waxa ayna uga digeen dowladda Turkiga in ay Villa Soomaaliya ku taageeraan doorashada aan jirin ee rabaan in ay qabtaan.

”Kulankeenna ayaan diiradda ku saarnay Xaaladda guud ee dalka, taageerada dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, arrimaha doorashooyinka ee lagu muransanyahay iyo la dagaalanka kooxaha Argaggixisadda ah” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed , ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada hagar la’aaneed ee la garab taagan yihiin Soomaaliya, waxa uuna ku booriyay Turkiga in ay halkooda kasii wadaan garab istaaga walaalahooda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Museveni oo xanibaadii ugu adkeyd ku soo rogay shacabka Ugandha (Sababta)

Caydiid Ali

Booliiska oo Muqdisho ku qabtay waxyaabaha Maanka-dooriya iyo ninkii watay (Sawirro)

Cabdi Cade

Haweeney Aabaheed ka caawisay in la dilo kana hadashay sababta ku kaliftay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---