Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka bilowday arrin dad badan layaab iyo amakaag ku noqotay, kaddib markii shacabka magaalada Muqdisho intooda badan iska diideen in ay isku diiwaangeliyaan doorashada lagu muran san yahay.
Shacabka Muqdisho ayaana dhagaha ka fureestay in ay tagaan iskana diiwaangeliyaan goobo loo cayimay, waxaana isdiiwaangeliyay dad aan tira badneen , kuwaa oo u badnaa shaqaalaha dowladda iyo dad kale oo siyaabo kala duwan lagu keenay.
Markii xarumaha diiwaangelinta cidlo noqdeen wax tagana la waayay, ayey dowladda go’aansatay in dadka lagu diiwaangeliyo qoray caaradiisa, waxaana hadda bilowday in shacabka si qasab ah looga wado goobaha waxbarashada iyo sidoo kale suuqyada.
Ganacsatada iyo sidoo kale dadka kale ee u adeeg doonta Suuqa Bakaaraha, ayaa maanta jidka loo galayaa, waxaana dadka iyada oo biskoolado iyo qoryo lagu hayo si qasab ah loo galinayaa saf dheer, kaddibna waxaa la geenayaa iskuulka Xamar Jadiid, halkaas oo si qasab ah loogu diiwaangalinayo.
”Wax aanan waligey arag oon maqlin ayaan maanta arkeynaa, ciidamo wata biskoolado iyo qoryaha ayaa jooga suuqa Daawada iyo meelo ku dhaw dhaw, dadka ayey joojinayaan saf ayey galinayaan, marka ay boqol gaaraan ayaa iyada oo dhinacyada biskoolado iyo qoryo looga hayo la geenayaa iskuulka Xamar Jadiid, halkaas ayaana laga diiwaangelinayaa warqadana laga soo siinaa” ayuu yiri ganacsade jooga Suuqa Bakaaraha oo arrintan la kulmay.
Jaamacadaha iyo iskuulada kuyaalla Muqdisho ayaa la sheegay in shalay iyo maanta ciidamo hubeysan iyana galayaan kuna qasbayaan ardayda in ay geeyaan goobaha diiwaangelinta laga sameenayo, waxa ayna arrinta hadda mareysaa haddii aadan is-diiwaangelin in qasab lagugu diiwaangeliyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com