Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh oo Magacaabay la taliye cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Hani Cabdi Gaas in ay noqoto La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhallinyarada iyo Cayaaraha.

Marwo Hani Cabdi Gaas oo khibrad, aqoon iyo xirfad durugsan u leh Arrimaha Dhallinyarada ayaa muddo dheer ka soo shaqeysay hay’ado caalami ah iyo kuwo maxali ah, iyada oo dhallinyarada Soomaaliyeed ku matashay fagaareyaal kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyey Lataliyaha Arrimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hani Cabdi Gaas in ay khibraddeeda dhanka horumarinta bulshada ay uga faa’iideyso dhallinyarada Soomaaliya oo maanta u taagan difaaca iyo horumarka dalkooda.

Related posts

Taliyaha NISA oo hawada ka saaray barihii bulshada uu lahaa iyo hadal heyn ka dhalatay !

Cabdi Cade

Waa Maxay faa’iidada ugu jirta dowlada Somalia qorshaha ay maanta ansixisay EU? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dhimasho ayaan ka xigaa in aan Dib kusoo Jeclaado !! (Sheeko Jaceyl Qeybtii 6-aad)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---