Kenya oo qarka u saaran in ay ka baxdo Dacwadda Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya

Dowlada Kenya ayaa qarka u saaran in ay isaga baxdo dacwada muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, kadib markii ay ku guul dareesatay dadaalo ay ku dooneysay in kiiska dacwada laga soo celiyo Maxkamada Caalamiga ee ICJ.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Dahir ayaa maanta sheegay in dowladda Kenya ay qarka u saaran tahay inay ka baxdo Kiiska Dacwadda Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Dowlada Kenya ayaa qoraal ay u dirtay Maxkamada caalamiga ee ICJ kaga codsaday in dib loo dhigo dhageysiga dacwada , waxa ayna Kenya ku andacootay in ay erisay qareenadii difaacayay una baahan tahay fursad ay qareeno kale oo difaaca ku qorato.

Maxkamada caalamiga ayaa laga sugayaa in jawaab ka bixiso codsiga dowlada Kenya ee ku aadan in mudo sanad ah dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwada Badda Soomaaliya, lamana oga go’aanka codsigaasi maxkamada ka qaadan doonto.

Dowlada Kenya ayaa xiligan u muuqata mid ka niyad jabsan in ay guul ka gaarto kiiska dacwada badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, waxa ayan Kenya aaminsan tahay in dacwada maxkamada taala looga guuleesanaypo iyadoona iyo xalal kale raadineysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -