Dowlad ka tirsan caalamka oo dayuurado u kacsatay la dagaalanka Dooli ka yaabsaday

Saraakiisha jasiiradda Georgia-yada Koonfureed oo ku taala badda Atlantic, islamarkaasna hoos tagta boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegay in ay cirib tireen kumanaan dooli ah oo jasiiradaas rogay.

Kormeer lagu sameeyay jasiiradda sanado kadib kolkii sanadii 2011-kii la sumeeyay dooliga ayaa lagu ogaaday in xal xabo xitaa oo dooli ah uusan ku nooleyn meesha. Hawlgalka ayaa loo isticlaamay diyaaradaha qumaatiga u kaca si loo laayo, iyada oo diyaaradaha ay dusha ka daadiyeen qalbacyo sunta jiirka ah oo balse cunto loo dhexgaliyay.

Hay’adda arrintan loo xilsaaran ooo lagu magacaabo South Georgea Heritage Trust, taas oo £10m ku maalgalisay mashruuca ciribtirka dooliga ayaa sheegay in dooliga uu halis badan ku yahay noolaha jasiiradaas ku nool oo dhan.

Dooligan waxa uu cunayay nooc shimbiraha ka mid ah oo meesha kaliya ee laga helo ay tahay jasiiradan adduunka oo dhan.

Waxaa la sheegay in maadaamaa jasiiradan aysan lahayn geedo, in shimbiraha ay ku qasbanaadeen in ay ku dhalaan dhulka, taas oo sahashay in dooliga uu ka cuno ilmaha, mararka qaarna shimbiraha waaweynba uu cuno.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -