Allbanaadir.com
NEWS

Musharax Madaxweyne oo ka hadlay xil ka qaadistii uu sameeyay Ra’isul Wasaare Rooble

Ra’isul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta xilka ka qaaday saraakiil katirsan Hay’adda nabad sugida Soomaaliya oo maanta garoonka Aadan Cadde u diiday in uu ka dhoofo gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo.

Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo dhaweeyay xil ka qaadista uu Ra’isul Wasaare Rooble ku sameeyay saraakiisha katirsan Hay’adad NISA uu sheegay in ay sameeyeen talaabooyin sharci daro ah.

”Waxaan soo dhaweynayaa tilaabada sharciga ah ee uu Raisu wasaaruhu ka qaaday falkii sharci darada ahaa ee lagula kacay qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo looga horjoogsanayey xoriyadda dhaqdhaqaaqa muwaadniinta iyo safaradooda.” ayuu yiri Musharax Guuleed.

Cabdikariin Guuleed ayaa ku eedeeyay Maamulka Farmaajo in muddo dheer si bareer ah ugu tumanayey dastuurka iyo shuruucda dalka waxa uuna xusay in dowlada si isdaba joog ah meel ka dhac ugu sameynayay xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Howlaha Dowladda Maraykanka oo Dib loo Furay iyo Trump oo heshiis saxiixay

Cabdi Cade

Dad ku dhaw 10-qof oo xalay lagu dilay Muqdisho iyo Al Shabaab oo War kasoo saartay

Cabdi Cade

Ciidamada Dowladda oo qabtay nin waday qarax goob ganacsi lagu dhajiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---