Allbanaadir.com
NEWS

Guddoonka labada Aqal oo kulan Xasaasi ah ku yeeshay Villa Hargeysa (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku-xigeennada labada aqal, waxayna ku yeesheen xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Kulanka ayaa intii uu docdsy looga hadlay dar-dargelinta howlaha baaxada leh ee horyaala Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa u baahan in si wadajir ah ay ugu wada shaqeeyaan labada Aqal ee Baarlamaanka dalka,

Guddoonka labada aqal ayaana kulankooda kaddib waxa ay ballameen in dib la isugu soo laabtaan kulan kale oo muhiim u ah shaqada Baarlamaanka baarlamaanka labada aqal ee federaalka Soomaaliya.

Kulankan ay maanta yeesheen guddoonka labada Aqal ayaa imaanaya xilli kulankii ugu dambeeyay ee golaha shacabka ku dhammaaday foodo, kaddib markii xildhibaannada qaar diideen in xukuumadda soo gudbiso liiska wasiirrada lala xisaabtamayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Halkee Marayaa dedaalka lagu xalinayo Xiisadii ka taagneyd Magaalada Belad-weyne?

Caydiid Ali

Israel oo qaaday tallaabo jawaab u ah hadalkii kasoo yeeray Antonio Guterres

Cabdi Cade

Habraaca doorashada 11-kursi oo lagu dooranayo Beledweyne oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---